Tarsan oo ka hadlay caburinta lagu haayo Siyaasiyiinta

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho hadana ah La taliyaha dhinaca Siyaasadda ee xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira xaalada dalka.
Tarsan oo arrimaha uu ka hadlay ay ka mid ahaayeen arrinta la xiriirta in caburin lagu haayo siyaasiyiinta ku nool magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in aysan jirin wax caburin ah oo lagu haayo siyaasiyiinta, qof walbana uu xaq u leeyahay inuu fikirkiisa ka hadlo.
Wuxuu sheegay Duqii hore ee Muqdisho Tarsan hadalka qofka uu ku hadlayo inuu leeyahay xad, balse aanay aheyn in la sheego wax ummadda iska horkeenaya, oo ka dhalan kara bur bur iyo xasilooni daro siyaasadeed.
Sidoo kale wuxuu sheegay La Taliye Tarsan in aanan hormar la gaareyn, hadii dadka la caburiyo, wuxuuna ku taliyay inaanan dadka la caburin, si ay u sheegaan waxa niyadooda ka guuxaya.
“Anigu caburin ma aaminsani, qofka xuriyatul qowl ayuu leeyahay, laakiin xuriyatul qowlka xad ayuu leeyahay, qofka waxa uu dhahaayo waa inuu masuuliyadeeda qaado, waxa ummadda isku diraya in aysan noqon, balse hormar lama gaari karaayo hadii aanan fikirka si xor ah loo dhiibaneynin”. Ayuu yiri Tarsan.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)


Share:

Khayre ” Waa Lama huraan in Soomaaliya ay ku soo noqoto Saaxadda Caalamka.”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caalamka ka codsaday in la dar-dargaliyo sidii Soomaaliya looga dhaafi lahaa daynta si ay ugu suurto gasho hirgelinta isbedelka ay wado, isagoo tilmaamay inay lama huraan tahay in Soomaaliya ku soo laabto saaxadda caalamka.
Isagoo ka hadlayay kulan shalay ku qabsoomay Fagaaraha Dhaqaalaha Caalamka (WEF2018) ee magaalada Davos si gaar ahna diiradda loogu saaray arrimaha Soomaaliya, wuxu yidhi mudane Khayre “Dowladda Soomaaliyeed way ka go’antahay in ay fuliso ballamaha ay u qaaday ummada Soomaaliyeed. laakiin waxaan ognahay in hirgelinta mashaariicda dib-u-habeynta iyo qorshaheega horumarineed oo ay ka mid tahay dhisidda amniga, mashaariicda kaabayaasha, dhismaha hay’adaha dawliga ah iyo dib u soo noolaynta dhaqaalaha ay u baahanyihiin hanti .”
“Soomaaliya kaligeed ma fulin karto arrimahaas iyada oo dhaqaalaheegu xaddidan yahay culayska daynta ay dhaxashayna uu gaadhsiisan yahay ilaa lix bilyan oo doolar,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre, isaga oo hoosta ka xariiqay in dar-dargalinta dayn dhaafka iyo la xidhiidhka hay’adaha maaliyadda caalmiga ay muhiim u tahay horumarka waddanka.”
“Xukuumaddaydu waxay ku howlantahay la shaqaynta hay’adahaas waxayna ku dadaaleysaa sidii ay u fulin lahayd shuruudaha loo qoondeeyay si ay u joogtayso xidhiidhka una wanaajiso maaraynta maamulka maaliyada,” ayuu yidhi, isagoo timaamaya in uu ku kalsoon yahay in lagu guulaysan doono fulinta arrintaasi.
Isaga ku ammaanaya ganacsatada Soomaaliyeed doorkii ay ka qaateen badbaadinta dalka, wuxu yidhi: “In kasta oo ay dhib badan soo mareen, haddana shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Soomaaliyeed waxay si joogta ah u bixinayeen adeegyo muhiim ah ee ku saabsan badbaadinta iyo soo noolaynta ummadda, isagoona tilmaamay in xawaaladuhu ay yihiin illaha maalgashiga ee muhiimka ah, wuxuuna ku baaqay isbaheysi wax-ku-ool ah in ay samaystaan dawladda iyo shirkadaha ganacsiga leh.
Wuxu tilmaamay warbixinta Bangiga Aduunku ku qeexay in wax soo saarka Soomaaliyeed uu koray boqolkiiba shan sannadkii 2015 iyo boqolkiiba lix sannadkii 2016, wuxuu ku nuux-nuuxsaday baahida degdega ah ee loo qabo sahaminta qaybaha kale ee dihin ee khayraadka dalka.
“Biyaha Soomaaliya waxay ka mid yihiin meelaha ugu qanisan ee kalluumeysiga qaaradda Afrika iyada oo haddana khayraadka baddeena dhererkeedu yahay 3,330 km aan sidii la rabay looga kalluumaysan .”
Waxa kale ee uu sheegay Mudane Khayre in khayraadka kale ee wax soo saarka ay ka mid yihiin 8.5 milyan oo hektar ee dhul beereed ah iyo in ka badan 50 milyan oo xoolo ah marka lagu daro macdanta aan wali la taaban.
Mudane Khayre ayaa tilmamaay haddii si sax ah loo isticmaalo dhammaan khayraadka dalkeena, waxaa Soomaaliya u suurto geli doonta in aysan ka wel-welin helitaanka cuntada, abuurista shaqooyinka, kordhinta dakhliga dawladda, iyo in ay gacan ka geysato ganacsiga caalamiga ah.
Waxa kale ee uu sheegay in ay samayeen bartilmaameed lagu yareynayo saboolnimada iyada oo la adeegsanayo hirgelinta marin-raacyo lagama maarmaan ah, qaab-sharciyeedo iyo jawi maalgashi oo cusub.
“Soomaaliya, waxay diyaar u tahay inay dib u bilaabato kaalinteedii taariikhiga ahayd ee ahaa in ay noqoto albaabka ganacsiga Afrika, iyada oo adeegsanaysa xeebteeda badweynta Hindiya iyo badda Cas,” ayuu yidhi Mudane Khayre.
Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya oo shacabkeena u badan yahay dhallinyaro, ay si xoog leh uga faa’iidaysan karto fursadaha jira, fulin karto siyaasadaha loo baahan yahay, isbedel dhaqaalana ku guulaysan karto.
“Adeegyada ay bixin karto waxa ka mid ah waxbarashada, shaqo abuurka iyo kor u qaadista maciishada, taas oo aad u yarayn karta in dhallinyarada lagu duufsado been abuurka ay ku adeegsadaan kooxaha xag jirka ahi,” ayuu yidhi Mudane Khayre, wuxu raaciyey in dawladdu qaaday talaabooyin wax ku ool ah oo ku saabsan sugida amniga iyo isbedelo siyaasadeed iyo kuwo dastuuriya.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kulamo dhowr ah la yeeshay madaxda sare ee hay’adaha caalamiga ah iyo madaxda caalamka ee shirka ka soo qayb galay, waxaana ka mida ahaa Christine Lagarde oo ah Madaxa IMF, Kristalina Georgieva, Madaxa Agaasimaha Bangiga Adduunka, Akinwumi Ayodeji Adesin, Madaxa Bangiga Horumarinta Afrika, Madaxa WEF Borge Brende iyo sidoo kale Madaxda waddamo dhawr ah sida Ra’iisul Wasaaraha Norway Ernest Solberg, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Ruushka ahnaWasiirka Warshadaha iyo Tamarta Arkady Dvorkovich, Raiisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Qadar Sheikh Mohammad bin Abdulrahman Al Thani, iyo kuwa kale.
Waa markii ugu horaysay uu wafti Soomaaliyeed ka qaybgalo shirkan caalamiga ah ee Fagaaraha Dhaqaalaha Aduunka (WEF2018) ee lagu qabto magaalada Davos ee dalka Switzerland.
Share:

Yaa bixiyay amarka laggu dhisaayay dhulka Biyaaso Liibaro,Taabit mise Yuusuf Jimcaale ? (Akhriso Dikreeto)

Duqa cusub ee magaaladda Muqdisho Abdirahmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa amarkisii koowaad ku joojiyay dhismaha ka socda dhulka Biyaaso Liibaro ee degmadda Xamar Jajab.
Dhulkaan waxaa darbi ku wareejineysa shirkadda nadaafadda ee ECCO, waxaana maamulka cusub ee gobalka Banaadir uu baahiyay dukumentiyo sheegaya cidda bixisay amarka lagu dhisayo dhulkaan.
Muuqaal la xiriir amarka laggu joojiyay dhismaha dhulka Biyaaso Liibaro oo xalay lagga siidaayay TV-ga Qaranka (SNTV) ayaa laggu sheegay in amarka dhulkaas laggu dhisaayo uu bixiyay duqii hore ee Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.
Afhayeenka gobalka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane oo aqrinaayay wareegtadda uu soo saaray gudoomiye Yarsiiow ayaa soo xigtay labbo digreeto oo ex-duqii Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale uu ku fasaxay dhulkaas in shirkadda nadaafadda ee ECCO ay ku shaqeyso kanna dhisto darbi, sidoo kale waxaa uu maamulka cusub soo xigtay warqad uu arintaan ku xoojiyay kuna ogolaaday gudoomiyihii hore ee degmadda Xamar Jajab mudane Axmed Cismaan Dhoore.
Wareegtooyinka uu gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir Madaale dhulkaan ku fasaxay iyo midda uu hadda Yariisow ku joojiyay midna lagguma xusin in dhulkaa la iibiyay.
Hoos ka daawo muuqaalka ama aqriso qoraalka.

Share:

Caro ka dhalatay Su’aal ay adag tahay in laga Jawaabo oo arday la weydiiyay


Arday dhigata fasalka shanaad iskuul kuyaala dalka Shiinaha ayaa imtixaan laga qaadayay waxaa loogu soo daray su’aal xisaab ah oon suurto gal aheyn in laga jawaabo ama la xaliyo.
Dad badan oo isticmaala baraha bulshada oo lagu faafiyay su’aasha ardayda la weydiiyay ayaa aad uga carooday, waxa ayna tilmaameen in aysan macquul aheyn in su’aashaasi laga jawaabo.
Su’aasha lala yaabay ee la weediiyay ardayda dhigata fasalka shanaad ayaa u dhigneyd sida tan ”Haddii markab uu wado 26 ido ah, iyo 10 riyo ah, meeqa sano ayuu jiraa naaquudaha Markabka?”
Dad badan ayaa isweediiyay su’aashan ardayda la weediiyay in uu ka jawaabi karo macalinka su’aashan keenay, waxa ayna dad badan aad u dhaleeceeyeen macalinka iyo maamulka iskuulka su’aashan keenay.
Share:

Kulan ku Saabsan Horumarinta iyo Dib u dhiska dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa mdaah-furay shirkii xogwaraysiga ahaa ee mashruuca Horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah golaha wasiirada Soomaaliya, sida Wasaaradaha Qorshaynta, Amniga, Maaraynta &Masiibooyinka, Maaliyada, Kaluumaysiga, Howlaha guud, Beeraha, Arrimaha Gudaha, Haweenta & Xuquuqul insaanka iyo Qaybta gargaarka dawladda. Waxaana lagu soo bandhigay shaxda wax-qabad ee mashruucyada horumarinta iyo dib u dhiska dalka.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ka soo qayb galayaasha u sheegay in sanadkan 2018 uu yahay sanadkii wax qabadka, loona baahan yahay guud ahaan in loo istaago sidii loo dar-dargalin lahaa howlaha horyaaala xukuumadda, sidoo kalena loo fulin lahaa mashaariicda iyo balan qaadyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxwaynaha dalka.
“Inta aan la gaarin sanadka 2019 waan in aan soo bandhignaa howlaha aan qabanayno iyo qorshaha Horumarinta qaranka, si bulshada loogu soo bandhigo howlaha dawlada ka dibna ay ula jaan qaadaan.” Ayuu R/W Khader.
Iintaas ka dib madaxda Wasaaradda Gargaarka ayaa soo bandhigay shax ku saabsan dhismaha iyo isuduwidda arrimaha gargaarka iyo tiirarka horumarineed ee qorshaynta qaranka oo ka kooban sagaal tiir oo kala ah, Siyaasad loo dhan yahay, Amniga, Tiirka Cadaalda iyo sareyntasharciga, Koboca haqaalaha, Dhisida Hay’ado Dowladeed oo hufan, Dib u dhiska , Horumarinta Bulshada, Jinsiga iyo Xuquuqda Aadanaha iyo Dhismha Qaranka.
Ra’iisul Wasaare Khader oo ka hadlayay sagaalka tiir ayaa sheegay sida shaqada loo kala leeyahay isagoo tilmaamay in wasiiradda ay khusayso ay qaataan doorkooda shir-gudoonka tiir walbo oo halkan lagu soo bandhigay, sidoo kalena waxuu ku dhiiri galiyay in ay la xisaabtamaan hay’addaha deeq bixiyayaasha ee Soomaaliya caawiya.
Ugu danbayntii, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa kula dardaarmay Wasiiradii ka soo qaybgalay shirka in ay joogteeyaan shirarka loogo hadlo barnaamijyada Horumarinta iyo Qorshaynta qaranka.
Share:

Soomaaliya oo 5 qodob ka faa’iidday ka qeyb galka Shir Madaxeedka 30-aad ee Afrika

Madaxweyne Farmaajo ka qeyb galkiisa Shirka 30-aad ee Madaxda Afrika  ayaa muhiimad gaar ah lahaa, maadama uu yahay shirkii ugu horreeyey ee Madaxda Afrika ay isugu yimaadeen oo uu ka qeyb galayo Madaxweynuhu tan iyo markii la doortay.
Haddaba Shirkaasi Maxay Soomaaliya ka faa’iiday ?
  1. Soomaaliya markii ugu horreysay ayaa lagu casumay shirka dhaqaalaha wadamada Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) oo ka dhici doona dalka Burindi bisha Afaraad ee sanadkan.
Arrinkan ayaa yimi kaddib shir gaar ah ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne K/xigeenka dalka Burundi Gaston Sindimwo.
Shirkan ayaa fursad u noqon doona ganacsatada Soomaalida ah madama Dowladu ay ka qeyb galkeeda ku soo gudbindoonto fursadaha ganacsi ee dalka iyo iskaashiga ganacsatadu ay la sameyn karaan dalalka ku baheynsan uruka dhaqaalaha ee COMESA oo ah dalalka ugu badan ee ay ka shaqeystaan ganacsatada Soomaaliya.
  1. Soomaaliya waxa ay ku guuleysatay in isbaheysi ay ka sameysato Afrika oo ku aadan sidii ciidamada Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen amniga guud ee dalka ka dib markii uu soo dhammaado howlagalka AMISOM.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu dadaal u galay in Afrika ay ka qeyb qaadato dib u dhiska Ciidanka Qaranka, iyaddoona uu kulamo ku aaddan arrinkan la qaatay Madaxweyneyaasha Dalalka Jabuuti, Suudaan, Yugaandha, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madax kale, taasi oo keentay in Madaxdaasi ay kala hadlaan Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay sidii loo taageeri lahaa dib u dhiska Ciidamada Qaranka.
  1. Aragtida hoggaanka Afrika ay ka aaminsanaayeen dalka ee ahayd in Soomaaliya ay hooy u tahay musuq maasuqa ayuu Madaxweynuhu gaashaanka ku dhuftay, kaddib khudbaddi uu goobta ka jeediyey oo uu ku sheegay in Soomaaliya ay dagaal ballaaran kula jirto la dagaalanka musuq maasuqa iyadoona dhabaha u xaareysa hannaan maamul oo lagu kalsoonaan karo, muddadii koobneyd ee dowladdani ay jirtayna ay ku tallaabsatay guul ku saabsan la dagaalanka musuq maasuqa, oo qaar ka mid ah ay ka markhaanti kaceen beesha caalamka gaar ahaan Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka.
  2. Farriimaha kale ee laga dhix karo ka qeyb galka shirkan ayaa waxaa ka mid ah in Soomaaliya ay sii adkaysatay codka ay ku lahayd go’aan ka gaarista arimaha Qaaradda Afrika, iyadoona Madaxweyne Farmaajo ay ka waa hadleen in badan oo ka mid ah Madaxda Afrika sidii dib loogu habeyn lahaa Hay’adaha iyo shaqada ururka Midowga Afrika taas oo ka tarjumaysa muhiimadda iyo kaalinta Soomaaliya ay kaga jirto ururkan.

  1. Waxaa la dar dar geliyey qorshaha Dowladeed ee ku saabsanaa ilaalinta danaha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Jaaliyadaha ku dhaqan wadamada Afrika oo Madaxweyne Farmaajo uu si gaar ah u gala dar daarmay madaxdii uu la kulmay, sida Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salfakeer Mayaardiit oo uu kala hadlay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkiisa iyo in la ilaaliyo hantidooda iyo maalkoodaba, iyaguna ay qeyb ka noqdaan horumarka iyo iskaashi wanaagsan oo dhex mara labada dal.
Guud ahaan wafdiga Soomaaliya ee ka qeyb galay shikan waxa ay muujiyeen fir fircooni iyo biseyl ku saabsanaa arrimihii shirka lagu soo qaatay taas oo noqotay mid ay si weyn u tilmaamaan dadkii indhaha ku hayey Shir Madaxeedka 30aad ee Wadamada Afrika ee Addiis 2018.
Share:

Taliyihii hore ee Nabad sugida Qaranka oo si kulul u eedeeyey dowladda Soomaaliya

Taliyihii hore ee Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa dhaliilay qaabkii ay u dhacday doorashadii dhawaan looga guuleystay kursi ka mid ah Golaha shacabka ah oo ka dhacday Magaalada Jowhar.
Sanbaloolshe ayaa ku eedeeyey guddiga doorashooyinka inaysan u shaqeyn si hufan isla markaana ay ka qeyb qaateen guuldaradiisa.
Waxaa uu intaa ku daray in Dowlada Soomaaliya ay sidoo kala faragilin ku haysay doorashadaasi ayna ka talisay sidii loo soo dooran lahaa shaqsi ay wadatay.
Sanbaloolshe ayaa wuxuu ku cataabay in ergadii loo xulay doorashada kursigaasi in lacag badan la siiyay.
Wuxuu tilmaamay in dowladda Federaalka ay maalgelisay Nuur Iidow Beyle oo xildhibaanimada kaga guuleystay isaga.
Sidoo kale Sambaloolshe ayaa sheegay in haddii uu ku soo bixi lahaa kursigan uusan noqon laheyn sida dad badan filyeen oo ah inuu Mucaarad noqonayo, isagoo xusay in madaxda dowlada iyo isaga ay ahaayeen saaxiibo isku dhow hase ahaatee dad dhexdooda ku jira ay warar xun faafiyeen.
Share:

RW hore ee Somalia oo dalab xasaasi ah u diray Guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ugu baaqay inay furaan wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho.
Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in Dhagax uusan amni sugi karin, balse amniga lagu sugi karo ilaalinta sharciga, iyo dedaalka Ciidamada amaanka, wuxuuna tilmaamay wadooyinka xiran in shacabka Soomaaliyeed ay u arkaan mid ciqaab ah oo lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqooda.
Waxaa uu intaa ku daray in dowladdii hore ay saacado badan xiran jirtay wadooyinka marka ay marayaan Madaxda, balse wuxuu tilmaamay in Dowladdan aysan sidaas aheyn oo waqti kooban keliya ay xirto wadada, iyadoo u daneyneysa shacabka.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay wadooyinka waqtiyada badan la xirayo ee la leeyahay Madaxda ayaa mareysa inay tahay curyaamin lagu sameynayo shaqada shacabka, taas bedelkeeda wuxuu Mamulka Gobolka Banaadir ka dalbaday in ay wax ka bedelaan nidaamkaas.
Qaar ka mid ah jidadka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa xiran muddo sanado ah ka dib markii lagu gooyey dhagxaan waaweyn iyo biro sababo dhinaca amaanka ah awgood.
Share:

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeeshay wafdi ka socda Midowga Yurub

Addis Ababa, 28 Jan 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira kulamada gaar gaarka ah ee uu la qaadanayo Madaxda Afrika iyo wakiilada Ururada Caalamiga ah ee ka qeyb galaya Shirka Madaxda dalalka Midowga Afrika, ayaa la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub.
Madaxweynaha oo uga warbixiyey madaxda wafdiga xaaladda guud ee dalka, ayaa u mahadceliyey Midowga Yurub taageerada ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada ammaanka, horumarinta iyo gargaarka bini-aadantinimada.
Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu kala hadlay Midowga Yurub in ay kordhiyaan dadaalkooda ku aaddan dib u dhiska ciidamada Soomaaliya, taas oo madaxdii ka socotay Midowga Yurub ee uu la kulmay Madaxweynuhu ay bogaadiyeen dib-uqaabeynta dhismaha amniga Qaranka ee ay waddo Dowladda Soomaaliya.
Madaxda wafdiga Midowyga Yurub ayaa tilmaamay sida ay ugu faraxsanyihiin Socdaalka Nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu Madaxweynuhu ku maray deegaannada Puntland iyo Galmudug, iyagoona sheegay in xiriirka wanaagsan ee Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ah, uu horseeday guulo wada-shaqeyneed oo muhiim u ah hor u socodka Soomaaliya.
Wafdiga Midowga Yurub ee Madaxweyne Farmaajo kulanka la qaatay, waxaa hoggaaminayey Madaxa Iskaashiga iyo Horumarinta caalamiga ah Mudane Stefano Manservisi iyo Madaxa Maamulka Waaxda Adeegyada Dibadda ee Midowga Yurub Mudane Koen Vervaeke.
Share:

Culimada Gobolka Awdal iyo Salaadiintu ma siyaasada ayuunbay ka hadlaan Maxay uga hadli Wayday Go,aanka Shirkada biyaha ee shaba ay ka qaadatay Shacabka Reer Awdal. Qalinkii Axmed C/laahi Jaamac

Culimada G/Awdal Waxyaabaha lagu yaqaanay waxa kamid ah in ay ka hadli jireen wax kasta oo dhibaato ku ah bulshada ku dhaqan G/Awdal waxayna ka qaadan jireen doorkooda ilaa dhibaatadaa xal loo helayana kama ay hadhi jirin .
Hadaba akhriste waxan aad ula yaabanay dhibaatadii ugu darnayd ee soo wajahda bulsha reer awdal ama dadka ku dhaqan magaalada borama dhibaatadaas oo ah hadaan faah faahiyo.
Nolosha bini aadamka waxa ugu muhiimsan biyaha waana laf dhabarta nolosha hadii biyo la waayana nololi ma jirayso hadaba dadka reer awdal oo kala siman bulshada kale ee Somaliland kudhaqan sixir bararka iyo dhibaatada shaqo la,aanta ee ku habsatay hadana waxa hada usoo raacday oo ugu biirtay .
Shirkada biyaha ee shaba oo ah shirkada biyaha siisa magaalada borama in ay soo saartay Go,aan ku dhaw dhaw kii uu dolontrump kaga dhawaaqay in qudus tahay caasimada yuhuuda ,in shirkadaasi habeenkii uu kaasi ku dhawaaqay in biyaha borama ee dadkaa masaakiinta ahi ay cabaan in ay kaga iibinayso lacagta maraykanka ee Dollarka lacagta Somaliland shilinkana aan laga qaadayn dadka sita ama doonaya in iskaga bixiyaan lacagta biyaha , hadaba arintaasi oo ah dhibaato aad u daran oo so wajahday dadwaynaha ku dhaqan magaalada borama cid mas,uul ah oo ka hadashay ma jirto ama suldaan hanoqoto ama culimo ha noqoto ama siyaasi hanoqoto waxan uma leeyay mar kaan qiyaaso malahayga gaaban hadii aanay sidaasi jirin waamaxay sabata ay uga aamusan yihiin dhibatada intaasi leeg halkee laakiin buulshadu ka keenaysaa la cagta dolarka ah ma la iswaydiiyay lacagtan wadanku leeyahay side la odhanayaa ma la iswaydiiyay wali
Waxan ka dhur sugaynaa go,aanka ay ka qaadato culimada gobolka awdal hadii ay ka hadli waa yaana waxay noqonaysaa in ay raali ka yihiin culimadana ay fari ku godnaan doonto.
Share:

farmaajo

hormuud

goolfm

quran

taaj

shaakir

xogsan

social media

mustaqbalict

world contries

danbile

danbile

boodhari

boodhari

now news